free tracking

Yoweri Museveni oo silayaab leh uga hadlay dhibatada Soomaaliya

Start
1 min read

[Uganda]

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka hadlay dhibaato ka haysato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya u noqon karto qaran jira.

Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, laakiin wuxuu si cad u sheegay in dalkiisa uusan awood buuxda oo dhaqaale u aheyn bixinta mushaarka ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa, haddii ay tahay su’aashu hub, waan iibsan karnaa, dareys waan iibsan karnaa oo xitaa cunno ayaan qeybin karnaa, laakiin ma maarayn karno mushaarka,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in wax sii socon karo aysan aheyn tababarka iyo habeynta ay ciidamada dowladda ku wadaan dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga mana uusan faahfaahin sababta uu hadalkaas u yiri.

Museveni ayaa intaas kusii daray in nabadgelyadu ay lama huraan u tahay jiritaanka qaran Soomaaliya iyadana laga rabo inay hesho wadadii ay guusha ku gaari laheyd.

Hadalkaan ayuu Museveni ku sheegay khudbad uu ka jeediyey kulankii uu magaalada Kampala kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah halkaas ku jooga.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.