[Gedo]
Waxaa dib u laabtay taliyaha nabad sugida gobolka Gedo Bakaal Kooke oo dhor cisho magaalada Muqdisho ku sugnaa, dhowr kulan oo dhexmaray Bakaal Ivo taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa ku soo idlaaday Isfaham iyo wada shaqayn.
Intii uu socdeen kulamadaan waxaa looga hadlay mustaqbalka Gobolka Gedo, wada shaqaynta garabka heysato Gedo iyo DFS, sidoo kale qorshaha ay Jubbaland ay Gedo ku tagayso iyo nidaamka ciidamada ee jooga Gedo, kuwaas oo lagu heshiiyay in ay hoostagaan dowlada dhexe halka lagu heshiiyay in nidaamka gobolka loo madax baneeyo maamulka Jubbaland.
Sidoo kale dhaqaalaha kasoo xaroonaayay gobolka Gedo waxaa uu hoos imaan jiray Balkaal Ivo xildhibaan Cabdulaahi Kulane, balse hadda kadib hoos imaan doona Bakaal iyo taliyana NISA Mahad Salaad.
Gobolka Gedo waxaa ay Jubbaland iyo Dawlada dhexe mid walba kaleeyahay dan gaara, saaxiibada Xassan Sheikh waxaa ay qabaan inaan toos loohoosgayn Gedo Axmed Madoobe is dagaalka Axmed Madoobe looga tuurayo meesha uu uga bilowdo Gedo.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa qaba in masuuliyiinta gobolka Gedo uu lafuro gor-gortan siyaasadeed oo toos ah, kaasoo ay ka madaxbanaantahay dowlada dhexe, kadibna uu toos gacan kuhaynta Gedo toos ugu soo celiyo maamulkiisa.