Warar nasoo gaaray dhawaan ayaa sheegaya in saraakiil badan oo lasoo shaqeeyay madaxerynihii hore ee dalka mudane Mohamed Abdulaahi Farmaajo ay iskaga tageen waddanka, wararka ayaa intaas ku daray in saraakiishaan ay soo wajahday cabsi ku aadan in ay wayn doonaan xilkooda, madaama lagu tiriyo in ay kamid ahaayeen taageerayaashi madaxweynihii hore.
Sidoo kale waxaa saraakiishaas kamida Farxaan Qaroole oo iska dhiibay wadan kamida wadamada dhaca qaaradda Yurub.
Wararka aan helayno ee ku aadan xogtaan ayaa sheegaya in Farxaan Qaroole uu iska dhiibay dalka Biljimka, waxaana loobadinayaa in uusan dalka dib ugu soo laaban doonin, xilkii uu hayana loo magacaabi doono qof kale.