[Mogadishu]
Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhawayd codka kalsoonida u qaaday Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya.
Kulaan oo ay isku yimaadeen xildhibaada golaha shacab oo ay yimaadeen ku dhawaad 220 mudane, waxaana kulan codka loogu qaaday ra’iisul wasaaraha cusub shir gudoomiyay gudoomiyaha golaha shacabka Sheikh Aadan Madoobe.
Waxaa uu guoomiyaha sheegay in ra’iisul wasaaraha codka siiyeen 220 mudane, mana jirin xildhibaan ka aamusay ama diiday.
Waxaa ra’iisul wasaaraha codka kalsoonida helay maantay lagu hor dhaariyay xildhibaanada, isagoo lafilayo in u mar dhow xilka sitoos ah ula wareego soona dhiso xukuumad cusub.