[Muqdisho]
Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Mudane liiban Cabdi Cali , iyadoo madasha xil wareejinta uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW Mudane Maxamed Abuukar Subeer iyo Howl Wadeenna Xafiiska Warbaahinta.