[Puntland]
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xal buuxa laga gaaray xiisaddii u dhexeysay madaxtooyada Puntland iyo baarlamaanka maamulkaasi, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare.
Kulamo kala duwan oo ay yeesheen labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana heshiis looga gaaray xiisaddii taagneyd, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in madaxweyne Saciid Dani loo daayo magacaabista xilka guddoomiyaha maxkamadda sare, wuxuuna markii saddexaad u magacaabayaa Axmed Taaraan, sida ay shaaca ka qaadeen ilo wareedyo aad ugu dhow madaxtooyada Puntland.
Sidoo kale xildhibaanada ayaa lagu qanciyay inay kala qeybsadaan xubnaha kale ee maxkamadda sare, si meesha looga saaro khilaafka madaxtooyada iyo baarlamaanka.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maalmaha soo socda la soo saari doono wareegtada magacaabita xubnaha cusub ee maxkamadda sare, ayada oo kadib la horgeyn doono xubnaha golaha wakiilada Puntland oo markan la filayo inay siiyaan codka kalsoonida ah.