free tracking

Xiddigan reer Brazil ee Neymar oo ay PSG suuqa dhigtay iyo Chelsea..

Start
1 min read

[Cayaaraha]

Naadiga kubada cagta Chelsea ayaa noqotay naadiga ugu cadcad saxeexa xiddigan reer Brazil ee Neymar oo la sheegay in PSG ay doonayso inay iska iibiso xagaagan, ayadoo si weyn hoos ugu dhigtay lacgta ay ku iibineyso.

Neymar mustaqbalkiisa ayaa mugdi galay asbuucaan kadib markii la sheegay in ay PSG doonayso inay iibiso xili ciyaareedkan, si ay u abuurto jawi uu hogaamiye ka yahay Kylian Mbappe oo meesha looga saaro ciyaartoyda loollanka kula jira kooxda gudaheeda.

30 jirkan ree Brazil ayaa la sheegay in PSG ka biya diidsan tahay hab-dhaqankiisa iyo qaab cayaareedkiisa oo hoos u dhacay, iyo sidoo kale inaysan isku wanaagsaneyn Mbappe oo dhawaan qalinka ku duugay heshiis sadex sanadod ah oo ka dhigay ciyaartooyga ugu mushaharka badan ee naadiga.

Taageerayasha PSG ayaa sidoo kale la dhacsanayn Neymar oo markaasi doonaya in laga diro kooxda ayagoo ku oriyay wareegii 16ka ee champions League markii ay Real Madrid ku garaacday Santiago Bernabeu oo ay tartanka ka reebtay.

PSG oo uu imaanayo tababaraha reer France ee Christophe Galtier ayaa la aaminsan yahay in aanu yeelan doonin mudnaantii iyo miisan kii uu ku dhex lahaa kooxda, waxaanay diyaar u yihiin inay ka diraan kooxda ayadoo ay ka harsan tahay sadex sanadood heshiiskiis oo todobaadkii uu ku qaato mushahar dhan £606,000 Gini.

Sky Bet ayaa saadaaliyay kooxaha uu Neymar tagi karo, waxaana kaalinta koowaad kaga jirta Chelsea, halka Barcelona ay labaad fadhido iyo Newcastle United oo ka dambaysa.

Sidoo kale Real Madrid, Manchester United iyo Manchester City ayaa iyaguna ku jira liiska kooxaha suurtagalka inuu wareego Neymar.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.