[Man U]
Manchester United ayaa akhbaar farxad galinaysa ka heshay xidiga la filayo inuu noqdo saxiixa kowad Erik ten Hag ee cagaagan, kaas oo u xaqiijiyay tababaraha cusub in uu doonayo inuu yimaado Man U.
Weerarka garabka ah ee reer Brazil Antony oo u cayaara Ajax ayaa ogolaaday in uu tababarahiisa Erik te Hag u raaco Old Trafford taas oo u fududuaynaya Inay gacanta ku dhigto Man U mid ka mid ah ciyaartooyda uu ugu kalsoonida badan yahay Erik.
Laacibkan oo horumar ciyaareed badan kasameeyay inta uu ka hoos cayaarayay Erik, asagoo kula guulaystay laba sano uu la cayaarayay kooxdiisa Ajax, waxayna taasi keentay in looga waco xulka qaranka Brazil.
Weerarka afka hore ayuu ka xoojin doona Man U 22jirkan kadib bixitaankii Jesse Lingard, Juan Mata iyo Edinson Cavani iyadoo uu wali xayiran yahay Mason Greenwood oo ay dacwad kusocoto.
Manchester United oo aan wali ku guulaysan bartilmaameed keedii koowaad oo ahaa Frankie de jong oo ay ka doonayaan Barcelona ayaa waxaa loo badinayaa in saxeexooda koowaad uu noqon doono Antony, hasa ahaate waxay dhibaato ka jirtaa qiimaha ay Ajax dalbatay oo Man U na ay ka warwareegayso bixinteeda.