[Mogadishu]
Madaxweynaha dalka mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa lafilayaa in ay maanta usocdaalaan dhankaa iyo Masar, safarkaan oo qaadan doona dhowr cisho sida aan xogta ku helayno, wararka aan helayno ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan uu ka qayb-gali doono xuska maalinta ka caanka dalka Masar ee 1952-dii.
Madaxweynaha oo ka qayb-galay shirka EAC ee ka dhacay dalka Tanzania ayaa dalka dib ugu soo laabtay shalay, isla maantana uu safri doono dalka Masar, sidaan horay usheegnay Masar waxaa ay ka mid ahayd dalalkii casuumaada ufidiyay madaxeynaha kolkii uu ku guulastay kursiga madaxweynanimo ee Somalia.
Kolka uu madaxeynuhu tago dalka Masar waxaa lafilayaa in uu lakulmi doono madaxweynaha dalka Masar Abdifitah Al-Siisi iyagoo kawada hadli doona xoojinta iyo iskaashiga labada dal Masar iyo Somalia, sida iskaashiga Amaanka, waxbarashada iyo dhaqaalaha.
Dowlada Ethiopia ayaa isha ku haysa booqashadan iyadoo dagaal dhanka wabiga Niil uu kala dhexeeyo Masar, dowlada Masar waxaa ay doonaysaa iminka in ay Somalia ugasho halkii Ethiopia kaga jirtay dowladii uu hogaaminayay Farmaajo.
Safarkaan uu madaxweynuhu ku tago Masar ayaa noqon doona kii 7-aad tan iyo markii la doortay.