free tracking

Xamse oo dhibsaday arin uu Villa Somalia ku arkay

Start
1 min read

[Mogadishu]

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xalay ka sheegay xaflad ka dhacday hotel Jaziira in uu aad u dhibsaday arin uu kala kulmay villa Somalia dhexdeeda.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu dhibsaday in gabar ka tirsan AMISOM  oo aan Muslim eheyn ay qaabilsanaato ilaaladiisa oo ay ka ilaaliso dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in arrimahaasi ay kamid tahay waxyaabaha uu dhibsaday ee uu ku arkay madaxtooyada Soomaaliya.

“In gabadh-yar oo aan Muslim ahayn oo aan diin iyo dhaqan lahayn ay i waardiyeyso oo qof Soomaali ah iga ilaaliso ma aha wax aan aqbali karo”. Ayuu yiri Xamse.

sidoo kale waxaa uu ra’iisul wasaaraha ka hadlay amniga dalka oo sheegay in uu marayo meel aad u hoosaysa, waxaa uu yiri lama aqbali karo in dalka gudihiisa loo kala qaato diyaarado amni darri darteed.

“Caqligeenna waa rogan yahay haddaan Soomaali nahay, sax maaha in aan diyaarad u kala raacno Jowhar, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo, caqliga waa rogan yahay”. Ayuu sii raacshay.

ugu danbayn mudane Xamse ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo uu kala tashan doono madaxweynaha dalka.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.