free tracking

Weeraro Mindiyo loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Canada

Start
1 min read

[Canada]

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay 15 kalena waa lagu dhaawacay weeraro mindiyeyn ah oo ka dhacay laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla dalka Canada Axaddii, waxaa sidaas sheegay booliska oo billaabay ugaarsiga laba tuhunsane.

Blackmore ayaa sheegtay in booliska markii ugu horreysay lasoo wacay abaare 5:40 am loona sheegay in mindiyeyn ay ka dhacday deegaanka James Smith First Nation kadibna ay xigeen wicitaano dheeri ah oo ku saabsan mindiyeyn.

Waxa ay intaas ku dartay in mas’uuliyiinta ay rumeysan yihiin “in qaar ka mid ah dhibanayaasha la bartilmaameedsaday, halka kuwo kalena si aan kala sooc laheyn loo weeraray.”

Ciidamada booliiska ayaa baadigoob ugu jira labo nin oo la tuhmayo in ay ka dambeeyeen weeraradan dadka badan lagu laayay, waxaana ragan la baadigoobayo magacyadooda lagu sheegay Damien Sanderson, oo 31 jir ah iyo Myles Sanderson oo 30 jir ah.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo weerarkan dadka badan lagu dilay, waxaana kooxdii ka dambeesay weerarka tooreyda loo adeegsaday loogu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka amniga.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.