free tracking

Weerar ku billowday qarax oo lagu qaaday hoteel Tawakal oo ku yaalla Kismaayo

Start
1 min read

[Kismaayo]

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qarax xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Weerarka ayaa waxa lagu soo warramayaa in lagu qaaday hoteelka Tawakal oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana kadib hoteelka gudaha u galay rah hubeysan.

Ciidamada ammaanka Jubbaland oo goobta gaaray ayaa isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka dableyda hubeesan goordhaw ku galeen dhismaha hotelka Tawakal oo kamid ah hoteelada caanka ah ee kuyaalla Kismaayo.

Sida aan wararka horu dhaca ah ku heleyno qaraxan goordhaw lagu weeraray hotelka Tawakal ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta weerarku ka dhacay degdeg u gaaray ciidamada amniga.

Warar wixii kasoo kordha halkaan kala soco @waddanitimes.com @dalka @jalwa @caano

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.