Waxaa lafilayay in maanta lagu dhawaaqo wasiirk koowaad ee dalku yeelanayo,
Balse warar iminka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ay magacaabistaas kutimid dib udhac, waxaana jira caqabado farabadan oo hareeyay, xalay ayay ahayd mar lafilaayay in lagu dhawaaqo magacaabista wasiirka koowaad ee xukuumadda.
“Caqabadaha ku horgudban magacaabista Xamse Barre hadii aan la xalin, waxaa suuro gal in qof kale loo magacaabo kursiga Raiuusul Wasaaraha Soomaaliya” ayuu ku waramay Siyaasi aad ugu dhow kooxda karinaysa magacaabista PM cusub ee Soomaaliya.
Warar hore oo aan qoranay ayaa ahaa in laga yaabo in loo magacaabo Xamze balse hadday soo bixi waydo arintaas ayaa noqon doonta isbadalo kale oo kuyimid madaxweyne SHM, taageerayaasha Xamze ayaa horay usii dabaaldagay, waxaan wada sugaynaa sida wax udhici doonaan