free tracking

Waxa kasoo baxay shirka IGAD iyo wafdiga heerkiisu hooseeyo ee ay dowladu udirtay 

Start
1 min read

[Nairobi]

Waxaa maantay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay meertada 39-aad ee shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, Soomaaliya waxaa oga qayb galay ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Meertadan 39-aad waxaa looga hadlay nabada, iyo abaaraha ku dhuftay dalalka geeska Africa, sidoo kale waxaa looga hadlay arimaha muhiimka u ah dalalka geeska Africa iyo isbadalka ciidamada.

Mahdi Guuleed ayaa waxaa uu wakiil ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud oo dalka Turkey-ga ugu maqan safar kaasoo qaatay waqti ka dheer intii uu qorshaha safarka ahaa.

Shirkan oo aan ku matalaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaan warbixin ka siiyey madaxda urur gobolleedka IGAD horumarada la gaaray iyo qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo dib u soo kabashada dalka” ayuu yiri Guuleed.

Ururkaan oo la aasaasay 1986 waxaa xubin ka ah 8 wadan oo kala ah.

Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan and Uganda, iyadoo sanad walba ay yeeshaan kulan ay ku faaqidayaan hadba xaaladii kolkaa soo siyaada.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.