[Mogadishu]
Sida warar iminka nasoo gaaray ay noo sheegayaan wasiirka maaliyada Abdirahman Du’ale Beyle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta qaranka, gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka, waxaana sidaas lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.
Danbiyada loo haysto lama xaqiijin karo iminka balse xeer ilaalinta ayaa sheegtay in waxa laga waydiin doono arimo la xiriira maaliyada oo ay dhawaanahaan wadeen baaristiisa.
Halkaan hoose ka arag warqada ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta—:
