[Muqdisho]
Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan guud oo wadajir ah ayaa dood adag geliyay Miisaaniyadda Qaranka.
Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayay Xildhibaannadu dood iyo su’aalo geliyeen xisaab xirkii miisaaniyadda Qaranka sanadihii la soo dhaafay iyo miisaniyadda hortaala oo ay ku jiraan odoros miisaaniyadeed iyo Mashaariic u baahan is waafajin iyo faahfaahin meelaha qaar.
Su’aalaha Xildhibaannada waxaa ka jawaabayay Wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo howlwadeena kale oo la socday.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo gabo-gabada kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta berri ah la isku soo noqon doono islamarkaana si qotodheer loo turxaan bixin doono.