free tracking

Wasiir Beyle oo diiday warqadii looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud

Start
1 min read

[Muqdisho]

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal uu ku diidayo warqadii loogu yeerayay ee ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Warqadasi ayaa waxa ay fareysay in Maalinta Isniinta oo maanta ah in uu tago xafiiska xeer ilaaliyaha guud, si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan maaliyadda dalka.

Wasiir Beyle ayaa cadeeyey inay soo gaartay warqaddii xeer ilaaliyaha ee loogu yeeray, balse waa uu diiday wuxa uuna muujiyey in ay ku jiraan warqadaasi qaladaad dhanka sharciga ah, isagoo sheegay in arrintaan uu uga dambeyn doono garyaqaanka guud ee dowladda.

Waraaqda uu Wasiirku soo saaray ayaa sidaan u qorneyd:

“Mudane Xeer-ilaaliye,

Waxa aan kuu caddaynayaa in aan helay warqaddii ka soo baxday Xafiiskaaga, taas oo ku taariikhaysnayd 23/06/2022, summadeeduna aheyd XXIG/AG77/2022 ee aad igu yeertay, aniga oo ah Wasiirka Maaliyadda, kuna sheegtay in aan imaado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud maalinta Isniinta ah, si wax la’iiga waydiiyo arrimo la xariira Maaliyadda dalka.

Haddaba, sida uu qabo Qodobka 3-aad, Faqraddiisa 2-aad, Xarafka B, ee Xeer Lr.18 ee soo baxay 29 Jennaayo 1978 ee Dhismaha Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa masuul ka ah “difaacidda Dawladda iyo xubnaha Dawladda Maxkamadaha hortooda”.

Anniga oo raacaya xeerka kor ku xusan, kana digtoon in lagu xad-gudbo mas’uuliyadda iyo waajibaadka Garyaqaanka Guud ee Dawladda, waxa aan halkan si xushmadleh kuugu soo jeedinayaa in xafiiskaagu u hoggaansamo hab-raacyada iyo xeerarka la dejiyey ee loogu talagalay in lagu maamulo arrimaha Dawladda iyo Dalka.

Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay xaqiijinaysa diyaarna u tahay in ay lawadaagi doonto Garyaqaanka Guud ee Dawladda dhammaan jawaabaha uu u baahdo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku.”

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.