free tracking

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Hotel Xayaat

Start
1 min read

[Muqdisho]

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhow isgoyska KM 4, waxaana socda howlgallo lagu badbaadinayo dadka.

Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa naloo xaqiijiyey inuu ka mid yahay saraakiil ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, kaas oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray lug.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal culus oo dadka lagu badbaadinayo uu ka socdo gudaha Hotelka, isla markaana ay ku dadaalayaan inay yareeyaan khatarta weerarkaan.

Ugu yaraan seddax qarax oo labo la xaqiijiyey inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiis si toos ah isku qarxiyey ayaa Hotel Xayaat ka dhacday fiidkii hore ee caawa, waxaana intaas kadib gudaha u galay dagaalyahano hubeysan oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah oo lagu beegsanayo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aagga oo dhan isku gadaamay, waxaana la xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.