free tracking

Warar cusub oo kasoo baxaya weerarkii Xalay lagu qaaday Hotel Xayaat

Start
1 min read

[Muqdisho]

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan muddo ka badan 12 saac oo xiriir ah, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo badan.

Al-Shabaab ayaa hotelka, oo ku yaalla agagaarka KM4, waxay weerar ku billowday qaraxyo baabuur ku qaadeen abaare 7-dii habeennimo iyo dhowr daqiiqo, waxaana kadib galay Maleeshiyo ka tirsan kooxdaas.

Waxaa hadda soo baxaya xogta khasaarihii ugu horreeyey, waxaana la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 15 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen inay hoteelka ku dhex dileen in ka badan 20 qof, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxdan.

Dadka Hotelka ku dhintay ee aan magacyadooda helnay waxa ka mida:
•Ganacsade Cabdiraxmaan Xassan Iiman,
•Yuusuf Mahad Barrow,
•Ibraahim Raage,
•Cabdihaadi Maxamed Sheekh Aadam,
•Xasan Maxamud Faarax
iyo qaar kale.

Dadka ku dhaawcamay waxaa ka mid ah taliyihii Nabadsugidda Gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac Shadoor oo ka mid ahaa ciidankii u gurmaday hoteelka.

Gudaha hoteelka ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo Maleeshiyada Al-Shabaab oo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon. Maleeshiyadka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay saaran yihiin qeybta kore ee hoteelka.

Sidoo kale ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan banaanka hotelka ayaa hub culus ku garaacaya hoteelka, ayada oo ay adag tahay in kooxda Al-Shabaab laga saaro.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.