free tracking

Waraar kasoo baxaya Qaraxyadii caawa laga maqlay Muqdisho

Start
1 min read

[Muqdisho]

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhowr jug oo caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho, waxaana la sheegay in dhawaqa la maqlay uu ahaa qalqal gelin bulsho.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen dheemish oo wax khasaare ah aysan geysan, balse laga rabay oo kaliya lagu qalqal geliyo bulshada, markii laga reebvo qaraxii koowaad oo dad badan ay ku dhinteen.

Hey’adaha amniga ayaa qaba in waxa dhacay ee jugtooda la maqlay ay koox u abaabulan qalqal gelinta bulshada ay dhigeen goobaha qashin qubka ee degmooyin dhowr ah, isla markaana uusan ka dhalan wax khasaare ah.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda ku soo laabatay si caadi ah, kadib markii ay dadku kala carareen fiidkii hore ee caawa, markaas oo dhowr degmo laga maqlay jugta waxyaabahaas la qarxiyey.

Hase yeeshee qaraxii koowaad oo maqribkii ka dhacay afaafka hore ee Xero Nacnac, oo hadda loo bixiyey Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaas oo lagu qoro dhalinyarada ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Sida aan wararka ku helnay ninka is qarxiyay ayaa dhax galay dhallinyaro saf ugu jirtay in ay galaan gudaha xerada ,kuwaa oo la sheegay in ay doonayeen in loo tababaro kamid noqoshada ciidamada xoogga dalka.

In ka badan 10 qof ayaa la soo sheegayaa inay ku geeriyootay qaraxa Xero Nacnac, welina laamaha amniga wax faahfaahin ah kama soo saarin khasaaraha qaraxyada ka dhacay Muqdisho

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.