free tracking
/

War naxdin leh oo ku saabsan askarti loo diray Eretria  

Start
1 min read

[Eretia]

Dood uu ka qayb galay afahayeenka Villa Somalia Cabdikariim Cali Kaar oo kabaxaysay Somali Cable TV ayaa shaaca ka qaaday in qaar kamid ah askartii tababarka ugu maqnayd ay dhinteen, iyadoo sidaan wada ognahay dhawaan farmaaho file-ka ciidamada oo gaaraya 5,000 uu ku wareejiyay Xassan Sheikh Maxamuud.

Waxaa uu afahayeenku sheegay in askartan qaar kamida ku dhinteen tababarka in kastoo tirada uusan la wadaagin bulshada.

Maamulkii hore ee Farmaajo waxaa uu sheegay in hal askari uu dhintay.

Warkaan ay dowladu shaacisay ayaa ah mid naxdin leh oo waalidiin badan walwal ku abuuray, inkastoo aan la ogayn tirada rasmiga ah misana waxaa jiray askar soo baxsatay sanadkii hore waxay iyaguna xaqiijiyeen ilaa 7 askari inay ka dhinteen, inkastoo aan la xaqiijin karin warkaan.

“Tababarka qaar baa ku dhintay, qaarbaa jira oo iskooda isaga dhintay, waalidiinta way ka war-hayaan Carruurtooda inta dhimatay iyo inta nool. Waana la keenayaa dalka. Maanta ma jirto dowladda Soomaaliya xili ay uga baahi badan tahay askartaas, maadaama ahmiyad gaar ah amniga uu u leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh,” Cabdikariim Cali Kaar.

Sidoo afahayeenku waxaa uu beeniyay warar dhawaanahan laysla dhexmaraayay oo sheegayay in dowlada Eretria ah ciidamadan u hayasto lacag dhan 50 million oo dollar taasoo ah lacagtii kubaxday tababarkooda iyo agabkoodaba.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.