Garawe:
Wararka Naga soo gaaraya magaalada madaxda Garawe ayaa sheegaya in uu dhacay kulan albaabada uxiranyihiin oo udhexeeya madaxweynaha puntland iyo kuxigeenkiisa, iyagoo kawada hadlay xalinta khilaafkooda, kulan oo in uu dhoco mudo laga soo shaqaynaayay ayaa waxaa diirada lagu saaray xal u helidda wasiiro uu xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenka puntland mudane Karaash, wasiiradaaas xalka loo raadinaayo ayaa udhawaa Saciid Deni.
warar laga soo xiganayo ila wareedyo goob jooga ayaa noosheegay in laga hishiiyay in xil ka qaadistii sadexda wasiir uu ka noqdo madaxweyne ku xigeenka sidaana loogu daayo xilalkoodi ay horay u hayeen, qodobkaan ayaa ahaa mid adag oo dhinacyada ka shaqaynayay inuu dhoco kulankaan ay katilaabi waayeen.
sidoo kale xogta waxay noo sheegaysaa in loo balamay kulamo kale oo looga hadli doono xil ka qaadistii uu Karaash ku sameeyay agaasimayaal, waxaana jira balanqaadyo maaliyadeed iyo xilal sarsare oo karaash loo balanqaaday waa sidaan xogta kuhelnaye.
waxaa dhawaan lafilayaa in ay dhacaan kulamo kale oo kan ka balaaran kaasoo gudoomiyaha baarlamaanka puntland oo qayb kanoqon doono