free tracking

Villa Somalia oo Ka hadashay warka uu baahiyay Times of Isreal

Start
1 min read

[Mogadishu]

Ilo muhiim ah oo katirsan  dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey warbixino ay qoreen warbaahinta Israel ayaa sheegaya in Dowladda ka fakareyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel.

Wargeyska Times of Israel ayaa shalay qoray in afhayeen u hadlay madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in dowladda ay kala tashaneyso baarlamanka suurta-galnimada ah inay xiriir diblomaasi la sameysato Israel.

Wargeyska ayaa sheegay in warbixinadan oo ka yimid warbaahinta Channel 12 iyo Kan News aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Afayeenka madaxweynaha Soomaaliya ma uusan marnaba la hadlin warbaahinta xigatay sida ilo wareed muhiim ah noo sheegeen islamarkaana warbixinta wargeyska Times of Israel ay tahay been abuur.

“Waxaan ilaa hadda la yaabannahay cidda mar kasta beentan naga faafineysa iyo ujeedada laga leeyahay,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan dowladda  kaasi oo sheegay inay suurta-gal tahay in arrintan ay ka dambeeyaan dad mucaaradsan madaxweynaha oo Soomaali ah.

“Ma jirto cid ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo la hadashay warbaahin Israel. Madaxweynaha wuxuu hadda ku mashquulsan yahay soo celinta askarta Soomaaliyeed ee ku maqan Eritrea.”

Israel ayaa bishii August 2020 waxay xiriir la sameysatay dhowr dal oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain. Sidoo kale bishii October, Sudan ayaa ku biirtay dalalka xiriirka la sameystay Israel.

Hase yeeshee ma muuqato hadda muhiimad ay Israel u leedahay xiriir ay la yeelato Soomaaliya iyo waxa ay ka faa’iideyso iyo sidoo kale wax dan ah ee Soomaaliya ugu jira.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.