free tracking
//

Villa Somalia guri labaad Baydhaba ka dhagax-dhigaysa

Baydhaba oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa laga dhisayaa Villa cusub!

Start
Live
1 min read

Madaxweynaha jamhuuriyada fedraalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maantay waxaa uu dhagaxdhigay guriga cusub ee loo dhisi doono Villa Soomaaliya.

arintaan cusub wax faahfaahin ah lagama bixin hadday noqoto villa Somalia ama dadka xog ogaalka u ah arintaan, waxaa loo badinayaa in madaxweynaha qaranka uu saldhig ka dhigan doono madaxtooyadaan cusub ee laga dhisi doono Baydhaba, qaasatan xiliyada uu safarka u joogo maamulka Koofur Galbeed.

madaxweynaha ayaa maalmahan waxaa uu safar shaqo ku joogaa maamulka Koofur Galbeed, waxaa uu sidoo kale booqday oo kormeeray Garoonka Kubadda Cagta oo dhawaan la dhameeyay shaqadiisa.

Arintaan horay uma samayn madaxdii qaranka ee hore laakiin hadda waxaa ladhihi karaa Xassan Sheekh waxaa uu horay u qaaday tilaabo hormarineed lagu gaarayo dowladnimada, waxaa la rajaynayaa in madaxweynuhu ku shaqo bilaabo kolkii la dhameeyo dhismahaan, talaabadaan ayaa daadajin doonta adeega dowlada Fedraalka ee ku aadan shacabka, waxayna qayb balaaran ka qaadanaysaa in Madaxdu qayb ka noqoto hormarka ka socda gobolada Dalka.

Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan DhaqaalahaGanacsigayadaMaaliyadaCaafimaadka iyo Teknoolajiyada.

Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.