free tracking

UK oo diiwaan-gelisay kuleylkii ugu sareeyey iyo dab ka kacay hareeraha London 

Start
1 min read

[London]

Britain ayaa diiwaangelisay heer kulkeedii abid ugu sarreeyay oo ahaa 40-C (104F) maanta oo Talaado aheyd iyadoo kulaylka Yurub uu sii kordhayo, taasoo ku qasabtay waddooyinka tareenada inay xirmaan ka dib dab ka kacay London oo dhan.

London, ayaa dhaaftay heerkii hore ee kuleylka oo ahaa 38.7-C kaasoo la diiwaan geliyay 2019.

Cilmi-baadhis horey loo la sameeyay ayaa muujisay in aanay suurtogal ahayn in UK ay la kulanto 40-C cimilo ahaan, laakiin isbeddelka cimilada ayaa ka dhigay heerkulkan aadka u daran Jidadka tareenada ee ka yimaada London ee bariga iyo xeebta galbeed ee dalka ayaa la joojiyay, shirkadaha korontadu waxay sheegeen in dad badan ay go’day korontada.

Bariga caasimadda London dab weyn ayaa qabsaday guryo ku yaal tuulada Wennington, iyadoo ololku uu qabsaday beero qallalan oo deris la ah, waxaana dabkaas uu ku soo dhawaaday kaniisad taariikhi ah. Dhinaca kale meelo badan oo caws ah oo ku xeeran caasimadda ayaa gubanaya, kuwaasoo qiiq badan oo ka kacayay lagu arkay waddooyinka waaweyn iyo meelaha u dhow.

Kooxda Dab damiska London ayaa ku dhawaaqday dhacdo weyn waxayna dadka ku boorisay inay joojiyaan socodka.

Saynis yahanada cimiladu waxay sheegeen in heerkulka London ee aan hore loo malayn karin ay u badan tahay inuu noqdo mid aad u badan sanadaha soo socda.

Sony Kapoor, oo ah Profasor cimilo iyo macro-economic bare ka ah Machadka Jaamacadda Yurub, ayaa sheegay inuu muddo dheer u maleynayay in dadku ay dhayalsanayeen saameynta jireed ee isbedelka cimilada waqtiyada casriga ah. “Laakin xitaa marna kuma fikirin inaan London ku arki doono 40 degree Celsius sanadka 2022,” ayuu yiri.

Imaatinka kulayl daran oo markii ugu horeysay ka kacay dab ka kacay guud ahaan Yurub ka hor inta uusan soo gaarin Britain ayaa tooshka ku shiday ballan-qaadyo ay sameeyeen musharrixiinta u tartameysa inay beddelaan Boris Johnson.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.