free tracking

Turkiga oo u yeeray Safiirkiisa u jooga dalka Denmark

Start
1 min read

Dowladda Turkiga ayaa mar kale si weyn uga carootay bannaan bax lagu gubay qeebo kamid ah kutaabka Qur’aanka Kariimka oo ka dhacay barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla magaalada Copenhegan ee caasimadda dalka Denmark, waxaana falkan geestay nin cunsuri ah oo lagu magacaaba Rasmus Paludan heestana dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden, waxa uuna ninkan meel aan ka fogeyn masaajidka iyo safaaradda Turkiga shalay ku gubay Qur’aanka Kariimka.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga oo ka carootay tallaabadan lagu gubay kutaabka Qur’aanka Kariimka ayaa si degdeg ah ugu yeertay safiirka dowladda Denmark u jooga dalkeeda si ay ugu muujiso in eysan aqbali-karin in lagu xadgudbo kutaabka Qur’aanka iyo diinta islaamka, wasaaradda arrimaha dibada ee Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark inaan la aqbali karin hab dhaqanka foosha xun ee dalkiisa, warbaahinta Turkiga ayaana baahiyeen in ay suurto gal tahay in safiirka lagala noqdo ogolaanshiyaha safiirnimo.

Ninkani cunsuriga ah ee u dhaqdhaqaaqa aragtida midigta fog ee Islaam naceebka ayaa ku hanjabay in uu jimco kasta sii wadi doono gubista kutaabka Qur’aanka Kariimka ilaa inta Sweden looga ogolaanayo in ay ku biirto Nato, Turkiga ayaana mar sharuudo hordhiga dowladda Sweden hadii ay rabto in ay ku biirto Nato balse maysan fulin shuruudihii sidaasi darteed Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeestay in Sweden ay ku biirto NATO.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.