[Spain]
Dowladda Turkiga ayaa wax ka bedeshay go’aankii ay ku diidaneed in dowladaha Sweden iyo Finland in ay xubin ka noqdaan Ururka Gaashaanbuurta NATO, waxaana xal laga gaaray khilaafka Turkiga kala dhaxeeyay Sweden iyo Finland.
Turkiga oo xubin ka ah Nato ayana oggolaatay in ey Sweden iyo Finland ka taageerto in ay ka mid noqdaan Gaashaanbuurta Nato.
Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain ayaa waxa xalay heshiis ku kala saxiixday Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Turkiga, Sweden iyo Finland , waxa ayna heshiis ka gaareen khilaafkii ka taagnaa in dalalka Sweden iyo Finland NATO ku biiraan.
Dowladaha Finland iyo Sweden ayaa meesha ka saaray tallaabadii ay horey Turkiga ugu diidanaayeen inay hubka kaga iibiyaan, waxa ay sidoo kale Sweden wax ka badeleysaa siyaasadeeda ku aadaneed Kurdiyiinta Turkiga u aqoonsan yahay argagaxisada.
Madaxweynaha Finland, Sauli Niinistö, ayaa sheegay in saddexda dal ay saxiixeen heshiiskooda ku aaddan in la kordhiyo in ay iska taageeraan wax kasta oo halis ku ah amniga dalalkaas.
Raysul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in ay tahay tallaabo muhiim u ah Nato.
Xafiiska Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay ka heleen wixii ay ka doonayeen Sweden iyo Finland.
Ruushka ayaa si adag uga soo horjeeda in labadaas dal ay ku biiraan Nato, waxa ayna Moscow u aragtaa in barraalinta Nato ay halis ku tahay amnigooda.
Laakiin, xubinnimada Nato waa in ay saxiixaan oo ay ogolaadaan dhamaan 30-ka xubnood.