free tracking

Tirada Meydadka Al-Shabaab ayaa sii-kordheysa

Start
1 min read

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa si xoog ah kula wareegtay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dhagarqabayaashooda ka soo gaaray dagaalkii Baxdo.

Sidoo kale dadka ku sugan Ceelbuur ayaa noo xaqiijiyey in degmadaas la geeyey meydadka 37 dhagarqabe oo Baxdo lagu dilay, taas oo tirada meydadka Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo kor u dhaafineysa 100 xubnood.

Dadkii kale ee bukaanada ahaa ayaa laga saaray isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, waxayna argagixisadu dadka deegaanka u diideen inay u soo dhawaadaan isbitaalkaas oo dhowaan dib loogu howl-geliyey olole isku tashi dadweyne ah.

Sidoo kale kooxda oo ka careysan jabkii ka soo gaaray dagaalkii Baxdo, ayaa ganacsatada deegaanka si xoog ah uga qaadaneysa shidaalka iyo sahayda kale oo ay u baahan yihiin.

Isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan shaqey jirin ayaa dhowaan waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, balse hadda waxaa kala wareegtay argagixisada oo ku soo jabtay dagaalkii ay Jimcihii ku qaadeen degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.