[Somalia]
Ururka Alshabaab ayaa boqolkiiba 70% waxaa ay maamulaan koofurta iyo bartamaha Dalka, iyadoo intooda badan isku fidiyay sandiihii udanbeeyay waxaana arintaan ka saaciday khilaaf ka kadhexeeyay masuuliyintii maamulayay dalka.
Sidaan wada ognahay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa maamula magaalo badaxyada dalka halka dalka intiisa kale ay ku awood badanyihiin urukaan.
War uu baahiyay Washington Post ayaa lagu sheegay in ay tirada urukaan gaarayso 5000-ilaa 7000 kuwaas oo maamula tuulayinka iyo baadiyaha.
“Waxaa aragnay inay ballaariyeen dhulka ay haystaan” ayay tiri Samira Gaid, oo la hadashay Washington Post “waxaan aragnaa inay sii noqonayaan kuwa aan la loodin karin” ayay sii raacisay warkeeda.
Kooxda Al-shabaab laba laabtay weerarada ay ka fuliso Soomaaliya mudooyinkii lasoo dhaafay.