free tracking
//

TikTok yaa iska leh -update 2023

Horay ma isku waydiisay yaa leh TikTok, halkaan ayaad ka ogaan doontaa cida iska leh shirkadaan baaxada wayn..

Start
Live
2 mins read

Ugu yaraan qof walba waa maqlay shirkadaan TikTok oo 2016-kii dunida ku soo gashay xawaare aad u dheereeya taasoo keentay maantay in ay noqoto shirkad aad u macaamiil badan, macaamiisha shirkada ayaa lagu qayaasay in ay gaarayaan in kabadan 1B users, mawduucaan waxaan oga hadli doonaa yaa leh shirkadaan aadka uwayn.

Bal aan dib u eegno taariikhda TikTok.

TikTok waa barnaamij bulsho oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay abuuraan oo wadaagaan fiidiyowyo gaagaaban, waxaa uu free ka yahay App Sore ka iyo Play store kaba, sida aan xog aan soo baarnay noo sheegayso TikTok waxaa uu kasoo muuqday liiska shirkadaha ugu saamaynta badan dunida, App kaan waxaa la dagsaday in kabadan 2.6 Billion.

Haddaba yaa iska leh TikTok

TikTok waxaa iska leh shirkadda Shiinaha ee ByteDance waxaana laga heli karaa ama uu available ka yahay in ka badan 150 waddan.

waxaa ay dadku ku abuuri karaan bulsho ama macaamiil si gaara ayaga ugu xiran sidoo kale waxaa laga sameeyaa magac ama caan-nimo, Iyada oo ay ugu wacan tahay is-dhexgalkeeda ballaadhan iyo is-dhexgalka sida fudud ah ee loo istcimaali karo, TikTok waxa ay siisaa fursad gaar ah hal-abuurayaasha si ay ugu xidhmaan dhagaystayaal caalami ah.

Isticmaalayaal badan waxaa ay TikTok u isticmaalan hab madadaalo ah iyagoo waqtigooda inta badan ku qaata aaladaan.

TikTok waxaa iska leh ByteDance sidaan horay ugu soo waranay, ByteDance waa shirkad si gaar ah loo leeyahay oo xarunteedu tahay Beijing, iyadoo la asaasay sanadkii 2012.

Sannadkii 2016, shirkaddu waxay soo saartay Douyin, nooca Shiinaha ee TikTok, sannadkii 2017, ByteDance waxay soo saartay TikTok si ay ugu adeegto dhagaystayaasha caalamka.

Waxaa jiray App la dhihi jiray Musical

App-ka warbaahinta bulshada waxa uu soo maray isbedelo badan dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Sannadkii 2014, App-ka Musical – oo lahaa astaamo la mid ah kuwa TikTok app – ayaa laga bilaabay Shiinaha, balse nasiib wanaag Sannadkii 2017, Musical.ly wuxuu ahaa mid ka mid ah apps-ka ugu caansan adduunka waxaana soo iibsatay ByteDance ilaa $1 bilyan.

Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan DhaqaalahaGanacsigayadaMaaliyadaCaafimaadka iyo Teknoolajiyada.

Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤

ByteDance waxay isku biirisay TikTok iyo Musical.ly, taasoo gacan ka gaysatay kor u qaadida TikTok in uu si fudud ku gaaro caalamka, waxayna siisay marin u helitaan isticmaalayaasha iyo abuurayaasha ku abuuraan muuqaalo nuxur leh.

Zhang Yiming

Maamulihii hore ee shirkada ByteDance mudane Zhang Yiming ayaa saldhigay shirkadaan sanadki 2012 asagoo jooga gurigiisa uu ka daganaa Beijing, shirkadaan laga soo bilaabay guri dhexdiisa maantay qiimaheedu waa maal aduun oo lagu qiyaasay $300 Billion sida ay sheegtay xog aan helnay.

ByteDance waxay ka shaqeysaa barnaamijyo badan oo adduunka oo dhan ah, kuwaas oo ay ku jiraan Helo (madasha warbaahinta bulshada Hindida ) iyo Vigo Video, Tan iyo markii la aasaasay shirkaddu waxay iskaashi la samaysay Oracle Cloud si ay u kaydiso xogta isticmaalaha jooga Maraykanka.

In kasta oo ByteDance ay caan ku tahay maalgashiga ay ku samayso baraha bulshada, sidoo kale shirkaddu waxay danaynaysaa warshado badan oo kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan wararka, Geemamka iyo waxbarashada.

ByteDance sidoo kale waxay leedahay oo ay maamushaa Toutiao oo ah app Shiinees ah oo siiya wararka shakhsi ahaaneed isticmaaleyaasheeda dalka Shiinaha.

Gunaanadkii shirkada ByteDance waxaa ay hormarkeedi ugu horeeyay ka samaysay Toutiao

Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan DhaqaalahaGanacsigayadaMaaliyadaCaafimaadka iyo Teknoolajiyada.

Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.