sida wararka aan ke helnay Tesla oo looga bartay soo saarida baabuurta ku shaqaysa korantada ayaa bisha soo soo socota yarayn doonta wax soo saarkeeda ku aadan baabuurta, sida qorshaha ku cad qorshaha shaqo yaraynta ayaa bilaaban doonta bishaan soo socota ee sanada 2023, sida aan kasoo xiganay shirkada wararka ee Reuters.
Tesla waxaa ay bisha sooscota ka shaqayn doontaa 17 casho kaliya laga bilaabo Jan. 20 ilaa Jan. 19, kadib waa ay joojin doonaan shaqada laga bilaabo Jan. 20 ilaa Jan.31.

Tesla ma aysan cadayn sabab uu hoos ugu dhacayo wax soo saarkeeda balse sida loo saadaaliyo ayaa ah in ay tahay fasax dheer oo loogu tala galay sanadka cusub ee Shiinaha.
sidoo kale waxaa la ogayn in shaqada ay ka socon doonto banaanka shirkada iyo toos fasax loogalin doono shaqaalaha maadaama ay shirkada laga sugayo in sanadaan soo saarto baabuur cusub\ oo ay macaamiishu filayaan, sidoo kale Tesla loogama baran in ay fasax dheer bixiso inta lagu guda jiro sanadka cusub ee Shiinaha, codsi ay Retures u dirtayna oo ay wax kaga waydiisayna wax jawaaba kama soo celin Tesla.
sidaan horay udaabacnay shirkada Tesla waxaa ay Talaadadii hore hoos udhacday 8% kaasoo waliba qasarihii ugu waynaa ee shirkada gaaray labadii sano ee la soo dhaafay, culaysyo badan oo jira ayaa sababay ku waas oo keenay in shirkadu kala bar qiimaheeda waydo, maalgashadayaasha ayaa dhankooda walaac ka qaba arintaan, sidoo kale culaysyada waxaa kamida CEO-ga shirkada Elon Musk oo ku mashquulsan Twitter iyo saamigiisi ugu danbeeyay ee uu iibiyay.
lama yaqaan sida ay arintaan u saamayn doonto wax soosaar ka shirkada, balse warshada Tesla ee ku taala Shanghai oo ah dhismo ay ka shaqeeyaan ilaa 20,000 oo shaqaale ah ayaa lagu tiriyaa in ka badan kala bar wax soo saarka Tesla saddexdii rubuc ee ugu horreeyay 2022 – uu halkaa ka yimid.
Tesla oo hadafkeeda 2022 sidaan horay usheegnay ahaa 50% in ay kordhiso wax soo saarkeeda ku aadan baabuurta korontada ayaa baarintaan la sameeyay lagu qiyaasay in ay shirkadu soosaartay 45%, taas oo muujinaysa in hadafkeedi udhawaatay sanadaan dhamaanaysa ee 2022.
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤