[Zambia]
Balal Maxamed Cusman sii haya wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha arimaha dibada iyo wafdi uu hogaamiya ayaa magaalada Lusaka ee caasimada wadanka Zambia oga qaybgalay shirka 41-aad ee bartamaha sannad kasta isugu yimaadaan golaha fulinta Midowga Africa, Balal ayaa kulanka ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay horumaro badan sasamaysay dhinacyada dowladnimada, dhaqaalaha iyo aminga, isla markaana ay sii xoojinayso xiriirka ay laleedahay dalalka Africa iyo caalamkaba.
Waxaa uu wasiirka lawadaagay hogaamiyaasha shirka kasoo qaybgalay halka ay marayso xaalada kala guurka ee ciidamada ATMIS, iyo meelmarinta qorshaha socda ee qeexaya in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay la wareegaan amniga guud ee Dalka.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka codsaday una soo bandhigay codsi ah in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka saaran, isagoo ku adkeeyay muhiimada ay u leedahay Soomaaliya in laga qaado xariyaada hubka.
Arintaan ku aadan xayiraada hubka ayaa xaqabad ku noqon doonto kala wareegida amniga ee ciidanka ATMIS.