free tracking

Soomaaliya oo lasafatay Shiinaha kadib tallaabadii ay qaaday Pelosi

Start
1 min read

[Pelosi]

Dowladda federalaka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay siyaasadda “Hal China” xilli xiisad xooggan ay ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Shiinaha oo ku aadan jasiiradda Taiwan ee sheegata inay ka go’aday Shiinaha.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xooggan ee ku aadan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, sharafta dhuleed iyo midniamda qaran ee Shiinaha, waxayna ku baaqeysaa in loo hoggaansamo qaraarada QM iyo Midowga Afrika ee quseeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay shaaca ka qaadeyso inay ku garab taagan tahay shacabka Shiinaha difaacidda madax-banaanidooda iyo sharaftooda dhuleed, ayna xoojineyso mowqifkeeda ku aaddan “Hal China,” ayada oo u aragta Taiwan qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha oo aanu muran ka taagneyn.

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo caro xooggan oo dhanka Beijing ah ay ka dhalatay booqashadii ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Peolis ay Arbacadii ku tagtay Taiwan.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.