free tracking
/

Somaliland oo magaallo muhiim ah kala wareegtay Puntland

Start
1 min read

[Puntland]

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta la wareegeen gacan ku heynta degmada Boocame ee gobolkaasi, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Puntland.

Ciidamadii maamulka Puntland ee ku sugnaa deegaankaas ayaa gebi ahaanba isaga soo baxay, halka Ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan ay agudaha usoo galeen degmada Boocame oo ay haatan fariisimo ciidan ka samaysteen cutubyo katirsan militariga Somaliland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xiisaddu ay kacsan tahay, islamarkaana ciidamadii iyo maamulkii u qaabilsanaa degmada Boocame ay ku sugan yihiin duleedka magaalada, waxa ayna labada ciidan ee iska soo horjeeda wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan xaaladda degmada Boocame ee gobolka Sool.

Mana ahan markii ugu horraysay ee Somaliland la wareegtay deegaanka Boocame oo Garowe u jirta 60km, ahaydna magaalada kaliya ee gobolka Sool ee ay Puntland sida tooska ah u maamulaysay.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.