free tracking

Somaliland oo diiday in ey ka qeyb-galan madaxda Somalida Aaska Abwaan Hadrawi

Start
1 min read

[Somaliland]

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa beenisay warar sheegaya inay ogolaatay in Madaxda Soomaaliya ay kaqeeb-gali karaan Aaska Abwaan Maxamed ibraahim Hadraawi oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Aaska Qaranka ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo maanta ku geeryooday Magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa shaaciyey goordhayd in la aasi doono marxuumka beri salaada casar, aaskuna uu noqon doono Xabaalaha Baqiiq.

Hadaba Warbaahinta ayaa si khaldan oo been abuur ah u turjuntey hadalkii Wasiirka, iyagoo ka dhigay in uu ogolaaday in ay Aaska ka soo qayb geli karaan Madaxda Soomaaliya, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sheegay oo keli ah  haddii cidi ka soo codsato ay markaa ka wajaabayaa, balse aanu jirin warka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta madax banaan.

Waxaanu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, cadaynaynaa in warkaasi yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, ciddii faafisay been abuurkaa waa lagula xisaabtama.

Waxaanu uga digaynaa Saxaafadda Madaxa Banaan in aanay siyaasadayn Aaska Qaranka ee loo samaynayo Abwaankii waynaa Ibraahim Maxamed Warsame (Hadraawi).

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.