free tracking
/

Shirkii labada maalin qaatay ee u socday golaha wasiirada oo lasoo gabgabeeyay

Start
1 min read

[News- Mogadishu]

Waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay Mogadishu ka socday shir uu hogaaminayay ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xamse Cabdi Barre, shirkaan oo looga hadlaayay si loo dardargalin lahaa howlaha mudnaanta u leh Qaranka iyo sidoo kale habka ugu wanaagsan ee looxoojin karo wadashaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dowlada.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirrada ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay xafiiska oo intaa ku daray “Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda sida ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, isagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo ku imaanaysa xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.”

Maalintii labaad ee shirka , ayaa la sheegay in khubaro, aqoonyahanno iyo lataliyeyaal sare ay Golaha u sharaxeen Hannaanka Hab-maamuuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Labadii maalmood ay Golaha Xukuumaddu ku guda jireen Kulan-Wadareedkan waxa ay falanqeyeeyeen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrad, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hay’adaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hay’adaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaabn yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.