[Todobaadka Xorriyadda]
Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo udiray dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa uuna yiri
“Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 26-ka Juun, 62 guuradii ka soo wareegatay markii ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee dalka ( Somaliland).
Xuska dabbaal degyada maalmaha xorriyadda xilli adag ayuu ku soo aaday , waxaan dadkeena ugu baaqayaa is cafis, iskaashi iyo in loo gurmado kuweena abaaraha haystaan.
Waxaan kale oo u jeedinaya hoggaanka cusub ee dowladda Federaalka in ay ka shaqeeyaan isku soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed, si gaar ah xoojinta wax walba oo lagu hagaajin karo xiriirka Somaliland.”