free tracking
/

Shaqsiga loobadinayo in loo magacaabo ra’iisul wasaare ku xigeenka 

Start
1 min read

[Mogadishu]

Waxaa dhawaanahan soo xoogaysanaya xogta la xariirta shaqsiga loo magacaabayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, warar xoogooda ayaa sheegaya in loo magacaabi doono maamulihii hore ee shirkadda Dahabshiil ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, Xasan Cabdi Cawad.

Dahabshiil ayaa booska Xasan Cabdi Cawad u magacawday Cumar Xasan Yoolac, kadib kolkay shirkadu ku dhawaaqday 18-kii bishaan inuu Xassan Cabdi Cawad ka tagay shaqadii Agaasiamha shirkada ee koofurta iyo bartmaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in Madi Guuleed oo ku dhawaad 6sano ku fadhiyay jagadaan uusan qayb ka ahayn wasiirada cusub ee lafilayo in lagu dhawaaqi doono bilowga todobaadkaan soo socda.

Cawad ayaa ah aasaa-saha hay’adda samafal ee Abeer Foundation, taasoo ku dhalatay kadib weerarkii 15- bishii Agoosto, waa sida uu sheegaye, weerarkaas oo uu ku dhintay wiil uu dhalay sidoo kalana dhaawac kasoo gaaray gabar uu dhalay.

Sidoo kale todobaadkii tagay Xasan Cabdi Cawad ayaa kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha xukuumada mudane Xamze Cabdi Bare, kulankaas ayaana soo gaba-gabeeyay dadaalo uu waday mudane Mahdi oo hadda jagadaan ku fadhiya taasoo ku doonayay in uu sii ilaashado jagadiisa.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.