free tracking
/

Saudi Arabia oo $13 million oo dollar ugu deeqday Soomaaliya iyo waxa lagu qabanayo oo la shaaciyay 

Start
1 min read

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka abaaraha Soomaaliya, waxa Boqortooyada ku dhawaaqday bixinta kaalmo lacageed oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameesay

Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa daah furtay wajigii labaad ee gurmadka degdega , waxaana dowladda Sacuudiga ku dhawaaqday  in lacag ku dhow $13 million oo dollar ku garab istaagayso dadka ay saameeyeen abaaraha.

Lacagtan ayeyna sheegtay dowladda Sacuudiga in wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo macluusha isugu darsameen, waxaana wajiga koobaad bixin doontaa Sacuudiga 7.18 milyan oo macluusha Soomaaliya wax looga qabanayo.

”Annaga oo ka duulayna awaamiirta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ah in la garab istaago dadka tabaalaysan ee dalalka walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, waxaan daah-furnay wajigii labaad ee gargaarka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Boqor Salmaan.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid noqonaya dowladaha Soomaaliya ka taageeraya u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxaa sidoo kale jira dowlado iyo hay’addo kala duwan oo iyana Soomaaliya u ballanqaaday dhaqaale wax looga qabto abaaraha.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.