free tracking

Saciid Deni oo dib umagacaabay golaha maxkamada Sare oo saakay baarlamaanka deedeen 

Start
1 min read

[Puntland]

Wareegto goordhow kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayuu markale dib ugu magacaabay gudiga maxkamada sare ee dowlad goboleedka Puntlan.

Dib umagacaabistaan ayaa imaanaysa iyadoo xili dhow golaha wakiilada Puntland ay diideen in ay ansixiyaan golaha maxkamada sare ee Puntland oo uu horay usoo magacaabay Saciid Deni.

Go’aankaan dib usoo magacaabista ayaa muujinaaya in uusan madaxweynhu ku qanacsanayn go’aankii xildhibaanada puntland, sidoo kale waxaan la ogayn go’aanka kale oo golaha wakiilada Puntland ay qaadan doonaan.

Halkaan hoose kaga bogo sida ay udhacday wareegtada  Deni uu soo saaray.

MADAXWEYNAHA OO DIB U MAGACAABAY MAXKAMADDA SARE EE DOWLADDA PUNTLAND

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.