Saciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha maamulka puntland ayaa shaaca ka qaaday warar aan horay loo ogayn kaas oo ah in Xassan Sheikh Maxamuud uusan kala tashan oo uusan la wadaagin magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub, Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu doonayay in ugu yaraan laga tala galiyo arintaaan,
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahayay guul daro siyaasadeed waxaa uu u tartamay jagada ugu saraysa ee dalka isagoo waliba helay codod aad ubadan wareegii koowaad laakiin nasiib xumo laga guulaystay kolkii danbe, Deni waxaa uu aaminsanyahay in uu guushii 15 May uu sabab asagu u ahaa sidaasna uu Xassan Sheikh Maxamuud kusoo saaray, Saciid Deni ayaa arintaan ka sheegay xalay kulan uu xildhibaanada puntland casho ugu sameeyay iyagoo katashanaya aayaha iyo mustaqbalka puntland.
Deni waxay oga dhigantahay guuldaro kale maadaama uu donayay haduu waayay xilka ugu sareeya wadanka in uu helo xilka labaad ama uu keensado qof asagu wato.