free tracking
//

Sababta ay Elon iyo hogaamiyaal kale u mamnuuceen remote work

Remote work waa in shaqaalaha shirkada shaqadooda ka qabtaan meel walba oo ay joogaan halkii ay xarunta dhexe ama xafiisyadooda joogi lahaayeen.

Start
Live
1 min read

Inkastoo Musk uu kamid yahay hogaamiyaasha teknoolajiyada ee wax badan kusoo shaqeeyay remote work maantay waxaa uu soo jeediyay in gabi ahaanba howshaas lajoojiyo, xaqna waa u leeyahay Musk in uu team kiisa howshaas kufuliyo u sheego in uusan ku qancin shaqadaas, balse waxaa sidaas la qaba hogaamiyaal kale oo maamula shirkado kala duwan sida google iyo Microsoft.

spaceX

Musk waxaa uu soo jeediyay in qaabkaan laga dhigo mid mira dhal wanaagsan leh balse uusan iminka jeclaysan, e-mail kiisi ugu horeeyay ee uu udiro shaqaalaha Twitter waxaa uu kuwargaliyay in aysan guriyahooda ka soo shaqayn karin ilaa uu siiyo fasax cad, arintan uu Musk sameeyay ee ku aadan email ka uu udiray shaqaalaha Twitter waxaa ay caddayn u tahay in uu mamnuuci doono remote work, sida uu horay oga mamnuucay shirkadihiisa Tesla iyo SpaceX.

Shirkadaan twitter waxaa ay shaqadeeda inta badan ku socotay remote work tan iyo sanadki 2018, waxayna ka mid tahay shirkadihii ugu horeeyay ee bilaaba howshaan wax-yar ka hor musiibadii Covid-19 ki.

Twitter hadda waxay qayb kanoqobaysaa shirkadihi ugu horeeyay ee diida Shaqada Fog ama remote work– sidaan horay usoo sheegnay waxaa dhawaan wax kabadalay system – kooda shaqo shirkadaha waa wayn sida Apple, Google iyo Snap kuwaasoo shaqaalahooda ku qasbay in ay physical ahaan joogaan xarunta dhexe ee shirkada ama waqtigooda inta badan joogaan xarunta.

remote-work

Barnaamijkaan waxaa ku shaqeeyo shirkado leh baaxad wayn oo hormarineed sida kuwa aan kor ku soo xusnay, shirkadaha yaryar intooda badan kuma shaqeeyaan sababo ay kamid tahay shaqaalaha oo aysan u ehili karin tools ki loo baahnaa ee shaqaalaha ka saacidi lahaa in ay remote work sameeyaan, sidaa darteedna waxaa usahalan in shaqaaluhu yimaadaan xarunta shirkada.

Markii ay noqoto in shaqaaluhu shirkada dhex joogaan waxaa fududaan doonta in shaqo dabacsan oo isla xisaabtan balaaran uu kujiro laqabto.

Sida aan lasocono system ka shaqalaha iyo mustaqbalka waxaa uu u muuqdaa ama u design gareesanyahay mid aadi doona in shaqaaluhu ku shaqeeyaan si fogaaan arag ah, laakiin sida dhaqaalyahono badan qabaan Elon iyo dadka kale ee loo shaqeeyo waxaa faa-ido iminka ugu jirtaa in dhaqaalaha ku soo celiyaaan xaruntooda shaqo.

Fikir-kaaga halkaan hoose noogu reeb iyo sida aad isleedahay waa lagu badali karaa system kaan.

Ku bilaaw maalintaad habraaca wararka ku salaysan dhaqaalahaganacisigacaafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga noo halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.