free tracking
/

Ruushka oo sheegay hal sabab oo keeni karta inuu adeegsado hubka Nuclearka

Start
1 min read

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dagaal lala galo reer galbeedka oo la isku adeegsado hub Nukliyeer ah aanay noqon doonin danta Ruushka .

“Ruushku weligood laguma cabsiin hubka Nukliyeerka laakin waxyaabaha ka dhacaya Ukraine si cad waxay u muujinayaan in dagaal lala gasho galbeedka oo isku duuban ay tahay wax jira oo dhab ah’’ sidaasi waxaa yiri Ivani Nachayev oo ah Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeda Ruushka.

Waxaa uu intaas ku daray in Fikradda Militariga Ruushka ay oggolaanayso inay ka jawaabto faragalin adeegsaneysa hubka wax gumaada  marka la qalqal galiyo jiritaanka amniga qaranka.

‘’Moscow waxay ku dheggan tahay mabda’a ah inaanu jiri Karin cid ku guuleysaan karta dagaal Nukliyeer ah waana in aan la bilaabin ‘’ ayuu yiri.

Ruushka waa dal leh awood Nukliyer, wuxuu sii wadi doonaa inuu udhaqmo sida ugu xushmadda badan intii suurtagal ah. “Isku dhac toos oo lala galo Mareykanka iyo NATO ma aha danteenna” ayuu intaas ku daray.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.