[Portugal]
Laacibkaan reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha ugu saameynta badan dunida, sida ay shaacisay xog aruurin la sameeyay.
Laacibkaan 37 jirka ah ee afka hore uga ciyaara Manchester United ayaa kaalinta u horeesa kaga jira xiddigaha saamaynta badan ku leh dunida, bandhig giisa wanaagsan iyo muddada dheer ee uu kusoo jiray garoomada ee uu kubaddiisa ku hayay heerka ugu saraysa ayaan taasi usahashay.
MAGACYADA LOOGU RAADINTA BADAN YAHAY BAHARA BULSHADA
Magacyada ugu raadinta badan baraha bulshada ayaa waxaa ugu horeeya RONALDO oo bishii 11milyan oo jeer lagu qoray baraha bulshada gaar ahaan qaybta raadinta ee (search), si ay dadka u arkaan waxyaabaha uu so galiyo baraha bulshada ama ay ugu xirmaan cinwaannadiisa.
Ciyaartooy sidan oo kale loo raadiyay ma jiro baraha bulshada waxa uuna ciyaariyahanka ku xiga oo ah Ryan Ramczyk oo ka cayaara horyaalka NFL ee kubada cagta Maraykanka ka sareeyaa ku dhawaad 5milyan.
Laacibkaan 28jirka ah ayaa bishii waxaa laga raadiyay 6.1milyan oo jeer, taas oo isagana kasaraysiisay xiddiga PSG ee Neymar oo 5.8 milyan oo jeer bishii lagu qoray magaciisa baraha bulshada gaar ahaan qaybta raadinta.
Ciyaariyahanka NBA-da ee LeBron James ayaa u dhacay kaalinta 4aad ee liiska raadinta baraha bulshada ee ciyaartooyda, isagoo magaciisa laga raadiyay baraha bulshada 5 milyan oo jeer, halka Lional Messi oo ay aad u xifaaltamaan Ronaldo uu aad uga hooseeyo dhinaca baraha bulshada ee uu kayahay ciyaartooyga 5aad oo 4.8 milyan oo jeer ayaa magaciisa lagu qoray baraha bulshada bishii.
Tom Brady ayaa kaga jira liiska kaalinta todobaad inkastoo uu ka mid yahay hormuudka ciyaaraha NFL ee waqtigan ugu magaca wayn, halka xiddiga baabuurta baratanka ee Formula One ee Luis Hamilton iyo Max Verstappen ay iyaguna halka ugu hooseeya kaga jiraan liiska oo uu soo xidho feedhyanka UFC-da ee Conor McGregor.