free tracking
/

Ra’isul wasaare Shehbaz muxuu kayiri eedaynta dil ee oga timid Imran Khan

Start
1 min read

[update]

Nin hubeesan ayaa khamiistii rasaas ku furay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, waxaana weerarkaasi Imran Khan kasoo gaaray dhaawac dhinaca lugta ah, waxaa sidoo kale khasaaro kasoo gaareen qaar kamid ah taageerayaashiisa.

Imran Khan oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay in shirqoolka lagu dili rabay ay ka dambeeyeen Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ,wasiirkiisa arrimaha gudaha iyo xubno kale oo dowladda katirsan.

Ra’isul Wasaaraha Pakisatan Shehbaz Sharif, ayaa si adag u beeniyay eedeynta uga timid hoggaamiyaha mucaaradka ee Pakistan Imran Khan, waxa uuna cadeeyay Ra’isul Wasaaraha in warkaasi uu sheegay Imran Khan uu yahay waxba kama jiraan.

Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarka lagu dhaawacay Imran Khan, waxa uuna maxkamadda sare ee Pakistan ka codsaday in baaritaan gaar ah ku sameyso eedeynta Imran Khan usoo jeediyay.

Dalka Pakistan waxaa ka dhacay banaanbaxyo ay dhigayaan taageerayaasha Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, waxa ayna dibad baxayaasha ku eedeeyeen dowladda in ay qorsheesay dilka hoggaamiyahooda.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.