free tracking

Ra’iisul wasaraha oo shegay arimo soo wajahaya dhismaha lamiga Muqdisho ilaa Jowhar

Start
1 min read

[Muqdisho]

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa bixiyey xog cusub oo ku aadan dhismaha waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kaas oo uu hadda ku yimid hakad ballaaran.

Xamza Cabdi Barre ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sababta wuxuu ku sheegay inay la xiriirto amniga waddadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in la dhaqaajin waayey dhismaha laamigaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halis uu ku jiro inuu gebi ahaan istaago mashruuca dhismaha waddadaas oo uu tilmaamay in laba jeer la soo cusbooneysiiyey, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda maalgelineyso ay dalbaday in laamiga inta harsan lagu dhiso Muqdisho.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan suuragal aheyn in amni darro darteed loo hakiyo isku socodka Muqdisho iyo Jowhar, loona qaato diyaarad.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.