free tracking

Ra’iisul Wasaraha oo qabilay Safiirka Sacuudiga u joga Soomaaliya

Start
1 min read

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay garab istaaggeeda Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan hadda iyo xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Dhankiisa Safiir Axmed Bin Maxmed Almuwalad ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee dalka loogu soo dhaweeyay iyo wada shaqeyntii wanaagsaneyd, isagoo sheegay in Boqortooyada Sacuudiga iyo hoggaankeedu diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinac kasta, si gaar ah gurmadka dadka abaartu hayso, dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo  wax kasta oo lagama maarmaan u ah horumarka  iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka guddoonsiiyay billaddo sharaf  uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya mudane Maxamed Khayaad, sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu  billad sharaf guddoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka iyo arrimaha bani’aadminimada oo kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.