[Jabuuti]
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.
Xamse Barre ayaa inta uu joogo magaalada Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Jabuuti uu la yeelan doonaa madaxda dalkaasi.
Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Barre ayaa dhoor mar u baxay safaro dalka dibadiisa ah gaar ahaan dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha ka shaqeenaya xoojinta xiriirka labada dal.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti kala hadli doono arrimo ku aadan dagaal ay dowladda kula jirto Shabaab iyo sidii ay uga taageeri laheyd howlgallada socdo.
Wuxuu sidoo kale uga mahadcelin doonaa garab istaagga ay reer Jabuuti u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, kadib qaraxyadii ka dhacay Zoobe, maadaama ay soo direen gurmad deg deg ah iyo dhaqaatiir howlo caafimaad ka fuliyey magaalada Muqdisho.