free tracking

Ra’iisul Wasaare Xamza oo amaro  dul dhigay wasiirada cusub

Start
1 min read

[Muqdisho]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa caawa soo saaray go’aamo culus oo la xiriira ilaalinta ‘nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka’ sida lagu shaaciyey warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Qodobadaas ayaa kala ah:

1 – In dhamaan xubnaha golaha wasiirrada ee XFS ay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka markii ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

2 – Waxaa ka reebay magacaabidda iyo shaqo ka joojinta saraakiisha darajooyinka sare ee aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

3 – Masuuliyiintu inta aysan xil magacaabis sameyn ama aysan kala bedalin masuuliyiinta hey’adaha ay madaxda ka yihiin, waa inay waafajiyaan sharciga isla markaana ay la tashi kala sameeyaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Amarkaan uu Ra’iisul Wasaaruhu dul dhigay masuuliyiinta dowladda ee wasiirradu ay ugu horeeyaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaan ay xowli u socoto xil wareejinta wasiirradii hore, kuwo cusubna ay xafiisyada la wareegayaan.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.