[Mogadishu]
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Bare ayaa xafiiskiisa maantay ku qaabilay safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya mudane Larry Andre.
Intii uu uscoday kulan labada masuul waxaa ka wada hadleen arimo muhim ah oo ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo wada shaqaynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka.
Xamse Cabdi Bare ayaa Maraykanka oga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo ubalan qaaday in xukuumada cusub ay sii wadi doonto wada shaqayntaas, isla markaana ay xooga saari doonto sugida amniga dalka.
Sidaan horay udaabacnay ra’iisul wasaaraha ayaa wada kulamo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ujooga Soomaaliya, kuwaa uu kala hadlayay sidii ay u taageeri laahaayeen xukuumadiisa,